"Prof. Cali Geeddi iyo beesha Muddulloodba kama sugeyn in ay sidan wax yeelayaan" Xuseen Cismaan Cabdi (Sanweyne). Ruunkinet 29/01/07 (Click)

Mas'uul ka tiran beesha Gaaljecel ee ku nool magaalada London laguna magacaabo Xuseen Cismaan Cabdi (Sanweyne) ayaa qoraal uu soo gaariiyay Shabakadda Ruunkinet ku cambaareeyay maamulka cusub ee ra'isul wasaare Geeddi dhawaan u magacaabay gobolka Shabeelada Dhexe..

Mudanane Sanweyne oo sheegay in uusan beesha Muddulood iyo ra'isul wasaare Geeddi ka sugeyn in ay sidan wax yeelayaaan mar hadii ay ogyihiin walaalnimada iyo derisnimada u dhexeysa beelaha Muddullood iyo Gaaljecel ayaa warkiisa raaciyay, "abaar wey tagtaa eed ayayna reebtaa".

"Soomaaliweyn waxay ogtahay in Sheekh Xasan Barsane iyo taageerayaashiida ay kala dagaaleen gumeysigii Talyaaniga gobolka Shabeelada Dhexe markii ay dad badan oo gobolkaasi degan ay beerahooda tacbanayeen taasoo cadeyn u ah mudnaanta beesha Gaaljecel ay ku leedahay gobolkaasi mana aha in haatan la qiymeeyo anigaa hub haysa, awood ciidanna ku leh gobolka", ayuu qoraalkiisa ku daray madane Xuseen Sanweyne.

"Tiro dad iyo dhaqaalaha soo gala Jowhar iyo guud ahahaan Shabeelada Dhexeba ma filayo in ay dood ka taagan in ay yihiin beesha Gaaljecel kuwa laf dhabarka u ah gobolka, hasa ahaateen, Gaaljecel uma tegin Itoobiya si uu hub lagu gumaado sokeeye Soomaaliyeed u doonto, mana aha in maanta lagu qiimeeyo shaqsi iyo beel yaa hub badan hayta", ayuu qoraalkiisa ku yiri mudane Sanweyne oo ah shaqsi ay aad u qadariyaan beesha Soomaaliyeed ee ku nool Yurub gaar ahaan beesha Gaaljecel.

"Waxaan filayaa in uu Prof. Geeddi u dhawaado caddaaladda mar hadii uu ogyahay in xilkan uusan welii hayn dooni", ayuu ku soo gebo gebeeyay qoraalkiisa Xuseen Cismaan Cabdi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com