Ciidamada Itoobiya iyo kuwa maxaakiimta oo lagu kala eedeeyay in ay xasuuq ka geysteen Didaale iyo miino dhigid lagu sameeyay aagaasi. Ruunkinet 23/11/06

Wararka ka imaanaa degaanka Idaale ee gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku laayeen dad rayid ah oo halkaasi joogay.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ay arrintani dhacday kadib markii gaari tiknika ah oo ay leedahay sida la sheegay dowladda Itoobiya lagu gubay halkaasi ayadoo sida la sheegay in ku dhinteren 3 nin oo ka tirsan ciidamada Itoobiyo oo midkood yahay kabtan (dhamme).

Dhinaca kale, maleeshiya taageersan maxaakiimta ayaa la sheegay in ay ku aaseen miinooyin degaankaasi si ay ugu wax yeeleeyaan ciidamada Itoobiya.

Miinooyinka ayaa laga cabsi qabaa in ay dhibaato u geystaan dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool.

Dadka degaanka yaa sheegaya in maleeshiyada maxaakiimta oo u socda raxan raxan in ay soo galeen degaankaasi si ay weerar gaadmo ah ugu qaadaan ciidamada Itoobiya ee halkaasi jooga ama maraya.

Sidoo kale, warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay goosatay in ay dagaal weyn la galaan maleeshiyada maxaakiinta oo gacanta ku haya degaanna badan oo ka tirsan dalka.

Cabullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com