QM oo maanta ka doodeysa in cunaqabteynta hubka laga qaado Soomaaliya iyo dadka ku nool Muqdisho oo madaaharaad baallaaran ka sameeyey fagaaraha tarbuunka ee Xamar. Ruunkinet 29/11/06

Xarimta Qaramada midoobay ee New York ayaa maanta looga dodayaa sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa dalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka dammeysay kagadaal markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ugaankda ay si toos ah u soo galeen gobollo ka tirsan dalka gaar ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, mareykanka ayaa la sheegay in uu si weyn u doonaya in ay ciidada safka hore ee IGAD ay soo galaan Soomaaliya si ay ula dagaalaan maleeshiyada maxaakiimta ka taliyo Muqdisho.

Dhanka kale, mudaaharaad aad u weyn ayaa maanta ka dhacay fagaaraha Turbuunka ee magaalada Muqdisho.

Mudaaharaadkan oo ay ka qeyb galeen dadweyne aad u badan ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha guddiga fulinta ee maxaakiimta.

Qudbadaha maxaakiimta ayaa u badnaa sidii jihaad loola geli lahaa ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan qaar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com