QM oo sii adkeysay cunaqabteyntii hubka ee Soomaaliya, Gudoomiye Shariif Xasan oo sheegay in wax aan wadahadal ahayn waxba looga qaban karin iyo baalamaanka Itoobiya oo ansixiyay in Somaaliya la weeraro. Ruunkinet 30/11/06

Shir ay xalay ku yeesheen xarunta QM ee magaalada NY xubnaha golaha amaanka ayaa waxa lagu ansixiyay in la sii adkeeyo cunaqabateyntii hubka ee saarneyd Soomaaliya.

Wakiilka dowladda Qadar oo keeney motion lagu sii adkeynaya arrintan ayaa sheegay in aan loo baahneyn in hubka laga qaado Soomaaliya wakhtigan xaadirka ah.

Kulankaasi ayaa si weyn la isugu raacay in 6da bilood ee soo socota la sii adkeeyo cunaqabteynta ayadoo dib loo dhigay ka wada hadalka arrimaha Soomaaliya in kastoo guddi cusub loo saaray arrintan.

Dhanka kale, guddoomiya baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo shir kula yeeshay magaalada Jabuuti madaxda sare ee dowladda Jabuuti ayaa sheegay in wax aan ahayn wadahadal aan lagu soo afjari karin khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maxaakiimta islaamiga ah ee ka talisa Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa maanta ansixiyay mudanayaasha dowladda Itoobiya motion uu horkeenay madaxweyne Meles Zinawi.

Motionka ayaa ka hadlaya sidii loo weerari lahaa Dalka Soomaaliya ayadoo lagu marmarsiiyo looga dhigaya in lala dagaalayo maxaakiimta midobay ee koofurta Soomaaliya.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

ruunkinet@london.com