Taageerayaasha Dabageed iyo ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay Beledweyne, Dabageed oo sheegay in magaalada Beledweyne aanu ku arki karin nin gar leh iyo naag daboolan, Itoobiya oo duqeysan Garoomada Muqdisho iyo Balli doogle iyo Maxamed Dheere oo u gudbay dhinaca Jowhar. Ruunkinet 25/112/ 06

Taageerayaasha Yuusuf Dabageed iyo ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan ayaa saakay gacanta ku dhigay magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed oo halkaasi uga qudbeyay qaar ka tirsan dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa sheegay in maamulkii hore uu ka talin doono magaaladaasi asagoo warkiisa ku daray in aanu arki karin nin gar leh iyo naag daboolan asagoo markaasi ula jeeday qof ay ka muuqato astaanta islaamka.

Sidoo kale, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo la socday ciidamada qabsaday Beledweyne ayaa u gudbay dhinaca Jowhar asagoo sii maray Buulo Burte.

Dhanka kale, Dayuuradaha dalka Itoobiya ayaa saakay duqeyay garoomadda magaalada Muqdisho iyo Balle doogle.

Dayuuradahan ayaa la sheegay in ay qasaaro u geysteen dhismaha garoomadaasi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com