Madaxweyne Yuusuf oo soo gaaray Afgooye, Caasimadda Soomaaliya oo heer hoose looga ciiday maanta, Sheekh Shariif oo Kismaayo ka sheegay in maxaakiimta ay la dagaalamayaan ciidamada Itoobiya iyo mudaaharaad ballaaran oo shalay laga dhigay safaaradda markeynkana ee London iyo xafiiska ra'isul wasaaraha Igriiska. Ruunkinet 30/12/06 (Click)

Waxaa si heer hoose looga ciiday magaalada Muqdisho maanta ayadoo aysan dadka isugu immaan fagaarihii ay ku dukan jireen ciidaha.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan ku dukadeen masaajidyada ayadoon aan wax qodbo ah laga jeedin masaajidyada in kastoo ciidii la soo dhaafay ay masjika weyn ee isbahaysiga ku dukadeen in ka badan toban kun oo ruux.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf ayaa maana kula kulmay ra'isul wasaare Geeddi magaalada Afgooye.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulan kula yeeshay magaalada Afgooye qaar ka tirsan dadka ku nool magaaladaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha maxaakiimta islaamka ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa maanta kula hadlay magaalada Kismaayo dadweyne aad u badan.

Guddoomiye Shariif ayaa dadka u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la dagaalaan ciidamada Itoobiya ee taageeraya dowladda federaalka ah.

Dhanka kale, waxaa shalay ka dhacay magaalada London mudaaharaad aad u ballaaran oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya.

Mudaaharaadkan oo si weyn loo soo abaabulay ayaa waxaa uu ka dhacay safaaradda Mareykanka ay ku leedahay magaalada London iyo xafiiska ra'isul wasaaraha dowladda Igriiska.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com