Ciidamada Itoobiya oo rasaas ku furay dad ku mudaaharadaaday Tarbuunka maanta, Maleeshiyada laga keenay Puntland oo ka niyad jabtay dib u dhigidda dowladda ee kub ka dhigidda Muqdisho iyo Mudaaharaad wata rashado oo maata ka dhacay magaalada Muqdisho. Ruunkinet 06/01/07

Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho bannaan bax ballaaran oo ay isugu yimaadeen dad weyne aad u badan oo ku nool magaalada Muqdisho.

Bannaan baxan oo lagu diidan yahay hub uruurinta la sheegay in taageerayaasha Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isul wasaare Geeddi iyo ciidamda Itoobiya ay hubka ka dhigaan beelaha kala ee ku hubeysan magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose ayaa waxaa ku dhintay hal ruux ayadoo ay ku dhaawacmeen 7 kale.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa aad uga xummaaday mudaaharaadkan ayagoo rasaas ku furay dadkii mudaaharaadayay.

Ras'aasta ciidamada Itoobiya ay ku fureen dadka bannaan baxayay ayaa waxaa ku dhintay wiil 13 jir ah.

Mudaaharaadkan ka dib ayaa waxaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in ay dib u dhigtay hub uruurinta ay maanta si xoog leh uga billaabi lahayd magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, maleeshiya aad u hubeysan oo laga keenay Puntland kuna sugan magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay aad uga xumaadeen dib u dhigidda hub uruurinta ay dowladda maanta ku dhawaaqda.

Qaar ka tirsan maleeshiyadan ayaa la sheegay in ay sugayeen in maanta ama berrito hub uruurin ka billaabaan suuqa weyn ee Bakaaraha oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

ruunkinet@london.com