Madaxweyne Yuusuf oo la sheegay in uu Xamar soo gaaray iyo Muran dhex maray maanta laba ciidan oo kala taageersan Col. Cabdullahi Yuusuf iyo Prof. Geeddi kadib markii ciidamada laga keenay ay tuseen kuga Cali Geeddi aamar ku taagleyn aysan sugeyn. Ruunkinet 08/01/07

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka soo degan garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn u ilaalinaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa gaar ka ah ee laga keenay Puntland.

Ammaanka garoonka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay ayadoo laga ilaaninaya halkaasi in ay tagaan in ay yimaadaan ciidan aan ahayn Itoobiyaan iyo kuwa laga keenay Puntland.

Col. Yuusuf ayaa tagay magaalada Muqdisho maanta markii ugu horeysay kadib intii la magacaabay.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in isku dhac afka ah uu dhex maray ciidamo ay isku hayb yihiin Col. Cabdullahi Yuusuf iyo kuwa taageersan ra'isul wasaare Geeddi.

Arrintan ayaa ka dambeysay kagadaal markii ay ciidamada laga keenay Puntland u muujiyeen amar ku taagleyn iyo kala sareyn kuwa ay isku hayb yihiin ra'isul wasaare Geeddi.

Labada ciidan ayaa la sheegay in ay kawada howl galayaan magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com