Madaxweynaha Soomaaliya oo arrimo la xiriira ammaan darro xalay u seexday Hotel Naasa Hablood iyo qarax weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho fiidnimadii saacadda Xamar. Ruunkinet 09/01/07

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa xalay seexday hotelka ku yaal K4 ee lagu magacaabo Naasa Hablood.

Arrintan ayaa ka dambeysay kagadaal markii ay soo baxeen arrimo ammaan darro ah oo la xiriirta nabadgelyada madaxweynaha.

Hotelkan oo uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin ra'isul wasaare Geeddi oo lagu magacaabo Enj. Eenow ayaa xalay si weyn loo ilaalinayay ammaankiisa.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu maalintiina jooga madaxtooyada habeynkiina ku hoyanaya meelo kale.

Dhanka kale, qarax weyn ayaa caawa fiidkii saacadda Muqdisho ka dhacay meel aan ka forgeyn tarbuunka kadib markii lala beegsaday ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ee u badan taageerayaasha Prof. Cali Geeddi iyo Col. Cabdullahi Yuusuf.

Labada koox ayaa la sheegay in ay is dhaafsadeen rasaas xooggan ayadoo ay ku dhaawacmeen dad ra'yid ah.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com