Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta soo saaray wareegto ay dad badan u arkeen in hubka lagu wareejinayo beelo gaar ah iyo ciidamada Itoobiya ku kuwa Dowladda Federaalka ah ee u badan taageerayaasha Prof. Geeddi iyo Col.Cabdullahi Yuusuf oo maanta lagu arkayay goobtii xala qaraxa ka dhacay oo gaadiika ka wareejinaya. Ruunkinet 10/01/07

Wareegto cusub oo hobka looga uruurinayo maleeshiyaadka iyo ganacsatada gobolka Banaadir iyo iyo gobollo kale ayaa maanta ku dhawaaqday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mudane Cabdiraxman Diiraani oo ah afhayeenka dowladda federaalka ah ayaa sheegay in hubka la geyn doono xerooyin uu cayimay oo ku yaal gobolllada dalka marka iskata uusan soo qaadin Soomaaliland.

Wareertadan ayay dad badan u arkeen in loola jeedo in hubka lagu wareejiyo maleeshiyada taageersan madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha Soomaaliya.

"Dowladda ma waxay rabtaa in hubka lagu wareejiyo ciidamada laga keenay Puntland oo u muuqda in ay ka taliyaan Xamar isla markaana aarsadaan mise waxaan ku wareejinnaa kuwa Cali Geeddi oo hoosta kaga jira ciidamada Itoobiya iyo reer Puntland", ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada bakaaraha oo aan wareysannay sida uu u arko wareegtadan cusub.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ayaa maanta xiray wadadii ay xalay lagu weeraray kulan yada isugu jirtay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Weerarkaasi ayaa waxaa xalay ku geeriyooday ugu yaraan hal ruux qaar kalana way ku dhaawacmeen.

Dadweynaha marayay goobtii xalay weerarka ka dhacay ayaa waxaa lagu amrayay in ay goobtaasi ka wareegtaan.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com