Isbitaalka Carafaad oo iyo xaafadaha u dhow oo hub uruurin lagu sameeyay maanta iyo wadaadadii ka tirsanaa maxaakiimta ee reer Puntland oo cafis gaar ah loo fidiyay. Ruunkinet 14/01/06 (Click)

Ciidama Itoobiya iyo kuwa DFS oo u badan reer taageerayaasha Col. Yuusuf iyo Prof. Geeddi ayaa maanta hub isugu jira qoryo daba jeex ah iyo AK47 ka qaatay Isbitaalka Carafaad oo ku yaal xaafadda Sinai ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa dambeysay kagadaal markii habeen dhaweyd goob aan ka fogey isbitaalkaasi lagu weeraray ciidama Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda federaalka ah.

Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa ku waramaya in saraakiil ka tirsanaa maxaakiimtii looga xoog roonaaday dagaalkii ay la galeen ciidamda dowladda Itoobiya ee qabsatay koofunta Soomaaliya la cafiyay loona ogolaaday in ay tagaan Puntland ayagoo loo ballan qaaday in ammaakooda la sugayo.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah culumadaasi ay horey u tageen Puntland si ay ula joogaan qoysaskooda.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com