Col Cabdullahi Yuusuf oo wareegto la sheegay in uu ku magacaabay maamulka sare ee gobolka Banaadir. Ruunkinet 15/01/07

Madaxweynaha Soomaaliya Col. Cabdullahi Yuusuf ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabaya mas'uuliyiinta sare ee gobolka Banaadir.

Col. Yuusuf ayaa u magacaabay Duqa magaalada Muqdisho mudane Cadde Xasan Gaabow.

Madaxweyne Yuusuf ayaa sidoo kale ku xigeennada Cadde Gaabow u magacaabay Ibaraahin Shaawey ku xigeenga nabadgelyada iyo siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Xasan Qalaad u magacaabay ku xigeenka Duqa magaalada ee arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda.

Mudane Cabdulqaadir Suufi Muriid asagoo sidoo kale u magacaabay ku xigeenka duqa magaalada Muqdisho arrimaha bulshada.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com