Ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay Xamar dib uga guranayaan, Nin lug curyaan ka ah oo ka tirsan ciidamada Puntland oo dhibaanta badan ay ka sheegayaan dadka ka dhoofaya garoonka Magaalada Muqdisho iyo Meles Sanaawe oo muddo gaaban kala hadlay madaxweyne Kibaanki kadib markii ay ku soo korodhay dhimashada ciidamadiisa ku sugan Muqdisho. Ruunkinet 17/01/06

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dib uga guranayaan Xamar.

Ciidamada Itoobiya ayaa muujiyay dhaqdhaqaaq ay kaga baxayaan gooba ay ka degganaayeen magaalada taasoo walaac ku abuurtay ciidamada taageersan dowladda.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay dhibaato soo food saaray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho kadib markii ku dhufo oo ka dhaqaaq ay ku billaabeen maleeshiya hubeysan ayadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in ay ciidamada Itoobiya uga dhimatay in ka badan 20 askari oo ay ku jiraan saraaliil sare.

Dhanka kale, Meles Sanaawi ayaa la sheegay in uu kala hadlay Kibaaki sidii ay ciidamada Afrikaanka ah ay si dhaqsi ah ugu diri lahaayeen dalka Soomaaliya.

Tagidda deg deg ah ee ra’isul wasaare Sinaawi ayaa la sheegay in ay keentay kagadaal markii ay ciidamo badan uga dhinteen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, dadka ka dhoofaya garoonka magaalada Muqdisho ayaa dhibaato ka sheegaya nin lug la' oo ka tirsan ciidamada nabadgeliyada dowladda federaalka ah ee Soomaaliyo kuna sugan garoonkaasi.

Ninkan curyaanka ah ayaa la sheegay in loo geeyo cidkasta oo dhoofeysa haddii aanu qofkaasi si gaar ah loo aqoon ayadoo inta badan uu weydinayo beesha uu ka tirsan yahay qofka safarka ah.

Sarkaalkan lugta la' ayaa la sheegay in laga keenay Puntland asagoo ay ka muuqato sida la sheegay cadownimo weyn si tacaddi ku jirana ula macaamilo dadka qaarkiis.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com