Madaafic lala beegsaday garoonka dayuuradaha ee Muqdisho maanta iyo Sheekh Shariif iyo wafdi ka socda maxaakiimta oo la filayo in ay aadaan dalka Yeman. Ruunkinet 24/01/07

Waxaa madaafiic lagu sheegay hoobiyeyaal lagu garaacay maanta garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo la sheegay in ay geysteen dhaawac iyo dhimasho ayaa warar aan ka helnay magaalada Muqdisho sheegayaa in uu daba joogo falkan weeraradii dhawaanahan loo geysanay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee u badan taageerayaasha madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah.

Sidoo kale, waxaa ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay baarintaan ka billaabeen xaafadaha u dhow dhow garoonka diyaaradaha saacad kadib markii lagu tuuray madaafiicda garoonka dayuuradaha.

Dhanka kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha midowga maxaakiimta iyo qaar kale oo ka tirsan mas'uuliyiinta maxaakiimta ee laga xoog roonaaday ay dhawaan u amba bixi doonaan dalka Yeman.

Arrinta ayaa la sheegay inay lug ku leedahay wadahadallo la doonayo in ay dowladda iyo midowga maxaakiimta wada sheeshaan si xaaladda Soomaaliya loo dejiyo.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com