Taageerayaasha Maxamed Dheere oo la sheegay in ay isu diyaarinayaan dagaal ay la galaan ciidamada Itoobiya iyo dad rayid ah oo xalay ay ciidamada Itoobiya la bexeen. Ruunkinet 27/01/07

Wararka ka immaanaya magaalada Jowhar ayaa ku waramaya in maleeshiya taageersan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ay isu diyaarinayaa dagaal ay la galaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFS ee ka taliya koonfurta Soomaaliya.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kagadaal markii Maxamed Dheere iyo maamulkii uu ka sameeyay Jowhar xilka laga qaaday.

Dowladda federaalka ah ayaa maanta u magacaawday maamul cusub magaalada Jowhar.

Magacaabiddan cusub ayaa magaalada Jowhar ka abuurtay xiisad u dhexeysa taageerayaasha Maxamed Dheere iyo maamulka cusub.

Maamulka cusub ayaa lagu qasbay in ay ku laabtaan magaalada Muqdisho in kasta uusan Maxamed Dheere weli ka soo saarin wax war ah arrinta lana filayo in uu dhawaan ka soo saaro haddii aanan loo magacaabin xil uu ku qanacsan yahay.

Dhanka kale, waxaa 4tii subaxnimo ee saqdii dhexe ee xalay laga baxay 8 ruux xarunta Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Elman oo aan ka fogeyn K4 ee magaalada Muqdisho.

8 ruux ayaa waxaa xaruntaasi kala baxay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka ayaa intaasi ku daraya ay arrintan ka dameysay kagadaal markii ay sii kordheen weerarka gaadmada ah ee lagu hayo ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com