Maxamed Dheere oo oglaaday in xilka Jowhar laga qaado kadib markii loo balan qaaday jagada guddoomiyaha gobolka Banaadir, Prof. Geeddi oo Jowhar u magacaabay mas'uuliyiin dhamaan ka soo wada jeeda Muddullood iyo maleeshiya hubeysan oo xalay weerartay qaar ka tirsan saldhigyada booliiska Xamar. Ruunkinet 28/01/07

Mudane Maxamed Cumar Xabeen oo ahaa ninta kugu awoodda badan gobolka Shabeelada Dhexe ayaa ogolaaday in xilka guddoomiyaha Shabeelada Dhexe laga wareejiyo.

Maxamed Dheere ayaa warar lagu kasoon yahaya sheegayaan in arrintan uu ogolaaday kadib markii loo ballan qaaday in laga dhigi doono guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale, ra'isul wasaare Geeddi ayaa shalay u magacaabay maamul cusub gobolka Shabeelada Dhexe.

Prof. Geeddi ayaa u magacaabay dhamaan mas'uuliyiinta sare ee gobolka gaar ahaa magaalada Jowhar shaqsiyaad ka soo jeeda beesha Muddullood marka laga reebo ku xigeenka guddoomiyaha degmada Jowhar.

Magacaabidan ayaa dhammaan mas'uuliyiinta gobolka Shabeelada Dhexe ka dhigeysa beesha Muddulloood oo ugu awoodda badan gobolkaasi.

Dhanka kale, weerar ballaan ayaa xalay waxaa lagu qaaday saldhigyada ciidanka booliiska ee xaafadaha Wardhiigley iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawac aan weli la sheecin inta uu la eg yahay.

Weerarada lagu qaadayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sii kordhay dhawaanahan.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com