Madaafiic lala beegsaday xalay fiidkii saldhigga Darmooley ee ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyadii reer Puntland oo taageerayaasha Maxamed Dheere ay jid gooyo weerar ah ugu sameeyeen goob aan ka dheereen Jowhar. Ruunkinet 31/01/07

Madaafiic hoobiya ah ayaa la sheegay in lala beegsaday xalay xero ay degan yihiin ciidamada Itoobiya oo ku taal Darmooley ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo la sheegay in ay dhameyd 6 midfac ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in uu u geystay ciidamada Itoobiya dhimasho iyo dhaawac in kastoo aan la xaqiijin sida dhabta ah ee ay wax u gaareen ciidamada Itoobiya ee xeradaasi ku sugan.

Sidoo kale, maleeshiyaad reer Puntland ah oo ka yimid dhinaca Gaalkacyo iyo Boosaaso ayaa la sheegay in weerar lagu qaaday mar ay marayeen jidka laamiga ah ee u dhow magaalada Jowhar.

Ciidamadan oo ka soo gudbay Beledweyne shalay ayaa waxaa la sheegayaa in ay jidka u galeen ciidamo taageersan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Maxamed Dheere iyo ra'isul wasaare Geeddi ayaa la sheegay in ay ka jirto khilaaf siyaasadeed muddooyinka dambe ayadoo laga qaaday Maxamed Dheere xilkii uu isu magacaabay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

ruunkinet@london.com