Sheekh Shariif oo Sanca aaday iyo saraakiil ka socota AU-da muqdisho booqanaya. Ruunkinet 04/02/07

Guddoomiyaha guddiga fulinta ee maxaakiimtii laga xoogga roonaaday ayaa aaday Yeman.

Sheekh Shariif oo horay u dalbaday in uu aado Yeman si uu ula kulmo qaar ka tirsa guddiga fulinta ee midowga maxaakiinta ayaa la sheegay in uu wada hadal halkaasi kula yeelan doono mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Yeman iyo siyaasiyiin kale oo ay ka mid yihiin Sheekh Ibraahim Caddow iyo Aftooje.

Dhanka kale, saraakiil ka socota AU-da oo uu hoggaaminaya sarkaal Ugaandees ah ayaa booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo ah xaqiiqo raasis ayaa la sheegay in ay tageen goobo ka tiran magaalada Muqdisho si ay u hubiyaan meeliyii ay degin lahaayeen ciidamada AU-da oo la filayo in ay soo gaaraan Soomaaliya dhawaan in kastoo ay dowlada badan oo ka tirsan Afrika ay kala baqeen in ay ciidamadoodu u diraan Soomaaliya.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com