Wasiirro xiriir wanaagsan la lahaa Prof.Geeddi iyo Col. Yuusuf oo xilkoodi waayay iyo Sheekh Shariif oo culeys siyaasadeed soo food saaratay. Ruunkinet 07/02/07

Qaar ka tirsan golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xilkii ay u hayeen dowladda waayay kadib markii xalay uu ra'isul wasaare Geeddi xilka ka qaaday.

Xuseen Caydiid, Maxamuud Salaad, Cabdicasiis Sheekh Yuusuf iyo qaar kale ayaa xildoodi loo dhiibay mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiradan oo aaminsanaa in ay yihiin laf dhabta xukuumadda madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa haatan u muuqda in aysan ka duwaneyn wasiirada kale oo ka tirsan beelaha aan hubeysneyn.

Madaxweyne Yuusuf oo si weyn u doonaya in uu soo dhaweeyo jufada Saleymaan ee maleeshiyada Puntland hubka horey uga dhigtay ayaa la sheegay in uu doonayo in uu xiriir wanaagsan la yeesho jufadaasi si ay ukala dhantaamaan awoodda beesha Habargedir ee loo dan leeyahay in dhammaantood hubka laga dhigo.

Arrintan ayaa la sheegay in ay billow u tahay magacaabidda M. M Gacmodheere ee loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ah.

Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha maxaakiimta Sheekh Shariif ay soo foodsaartay culeys xagga siyaasadda ah.

Culeyskan ayaa la sheegay in uu ku yimid Sheekha kagadaal markii uu saxaafadda u sheegay in uu doonayo in ay ciidamda dowladda Itoobiya dalka Soomaaliya ka baxaan.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in laga joojiyin xiriirkii uu la lahaa dadka kale gaar ahaa isgaarsiinta ayadoo laga waday hotelkii uu deggenaa ee magaalada Nayroobi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com