Bam madax looga dhuftay taliyaha ciidamada Itoobiya oo geystay dhimasho iyo dhaawac ay ku jiraan saraakiis ka tirsan maamulka iyo ciidamada dowladda iyo Villa Baydhabo oo xalay la weeraray. Ruunkinet 11/02/07

Bam ayaa saakay lagu tuuray talihaya ciidamada dowladda Itoobiya ee gobolka Jubbada Hoose.

Bamkan oo madaxa uga dhacay Col. Buslo ayaa la sheegay in uu ku qarxay lugaha korneylka una geystay dhawaac.

Korneylka oo goob fagaara ah uga qubeynayay qaar ka tirsan dadka ku nool Kismaayo ayaa la sheegay in goobtaasi laga qaaday asagoo dhaawac ah.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku dhaawacmay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda iyo saraakiisa ciidamada.

Mas'uuliyiinta halkaasi ku dhaawacantay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Col. Fartaag, Adan Goojaar, Cabdiraxman Waldiire, taliyaha ciidamada nabadsuggiida Kismaano iyo qaar kale.

Warka ayaa intaasi ku daraya in rasaas ay ciidamada Itoobiya ku fureen dadweynaha ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaar badan oo ka tirsan dadkii halkaasi joogay.

Dhanka kale, waxaa xalay weerar lagu qaaday ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan Villa Baydhabo.

Weerarkan oo aan la sheegin wax yeellada uu geystay ayaa la sheegay in si gaadmo ah gantaal iyo xabadaha fud fudud lagu garaacay goobtaasi.

Maqaawamada ay sameynayaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho qaar ka mid ah ayaa waxaa la sheegay in ay ku diidan yihiin qabsashada dowladda Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya iyo maamulka dowladda federaalka ah oo lagu eedeeyay in ay qabiileysi u xuubsiibatay.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com