Madaafiic ay ciidamada Itoobiya u qeybiyeen xaafado Xamar ka tirsan xalay iyo Ciidamo beeleed la wareegay maamulka Matabaan maanta. Ruunkinet 12/02/07

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay ku garaacay madaafiic xaafado ay degan yihiin dad rayid ah oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay madaafiicda BMka loo yaqaan ka soo tuureen madaxtooyada Villa Soomaaliya ayagoo la beegsaday degaanka Caymiska ee xaafadda Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ciidamada Itoobiya ay ku tuureen xaafadahan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kagadaal markii Basuuko lagu riday xalay Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa taageersan Madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha.

Sidoo kale, waxaa xalay la weeraray saldhigga ciidamada Booliiska ee xaafadda Madiina iyo goobo kale oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, maleeshiya beeleed ayaa saakay qabsaday degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Maleeshiyadan oo ay isku hayb yihiin Dr. Culusow una dhashay degaankaasi ayaa kala wareegay maamulka ay dowladda madaxweyne Yuusuf u magacaabeen degamadaasi.

Degamada Matabaan ayaa horay waxaa gacanta ugu dhigay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Puntland oo haanta ka guuray degmadaasi.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com