4 ruux oo ku geeriyootay Laascaano dagaal ka billoday haweenay ay qaraabo yihiin Madaxweynaha oo damacday in ay xoog guri uga dhisato degmada Laas Caano iyo xasuuqidda dadka ku tukada masaajiddada Xamar oo dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho.Ruunkinet 16/02/07

Waxaa ku dhintay 4 ruux dhawaan dagaal ku dhex maray degmada Laas Caano kooxo maleeshiya beeleed hubeysan ah .

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka billowday haweenay ay isku jufa yihiin madaxweynaha oo dooneysay in ay guri ka dhisato magaalada Laaso Caano.

Warka ayaa intaasi ku daraya in haweeneydan oo ka tagtay magaalada Gaalkacyo ay dhul ku yaal magaalada Laas Caano ka billowday dhismo ay qaar ka tirsan dadka ku dhaqan halkaasi u arkeen in ay haweeneyda xoog ku dhisaneyo dhulkaasi ayadoo aan kala tashan milkiilayaasha dhulkaasi.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay dilkii loo geysan jiray wadaadada aada masaajiddada ku yaal magaalada Muqdisho si ay ugu tukadaan.

Dilkan oo ka jiray xilligii ugu dambeeyay ee qabqableyaasha dagaalka ay ka talinayeen magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda mid soo laabtay.

Dilka loo geysanayo dadka ku tukada masaajiddada ayaa waxaa ugu dambeeyay 5 ruux oo xalay lagu dilay masaajidka hortiisa ayagoo markaasi ka soo baxay salaadii cishaha.

Dadka ku tukada masaajiddada ayaa haatan billaabay in ay salaadda cishaha ka dhiggaan laba jameeco oo is ilaalineysa.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London.

 

 

ruunkinet@london.com