Madaxweyne Yuusuf oo ku soo jeeda London lana filayo in uu maanta soo gaaro Nayroobi iyo madaafiic ay ciidamada Itoobiya ku garaaceen goobo ka tirsan magaalada Muqdisho oo dad rayid ah deggan yahiin kagadaal markii lagu weeraray Isbitaalka Digfeer. Ruunkinet 17/02/07

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in uu maanta soo gaaro magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ku soo jeedo magaalada London arrimo la xiriira caafimaadkiisa.

Col. Yuusuf ayaa sanad walba yimaada magaalada London si loo sahmiyo xaaladda uu ku sugan yahay beerkiisa oo horay loo bedelay.

Dhanka kale, xalay ayaa waxaa baasuukayaal iyo qoryaha fud fudud lagu weeraray Isbitaalka Digfir ee magaalada Muqdisho oo ay dhawaan soo degeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay ugu jawaabeen madaafiic ay la beegsadeen dadka rayidka ah oo deggan xaafado ku yaal magaalada Muqdisho.

Madaafiicda ay ridayeen ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 kale.

Sidoo kale, waxaa saakay madaafiic lagu weeeraray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.

Warka ayaa intaasi ku daraya in xalay bam gacmeed lagu weeraray guriga uu degan yahay guddoomiyaha beesha Cayr Dr. Culusow.

Wax qasaara ah oo halkaasi ka dhacay lama sheegin.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com