War deg deg ah: Jeneraal Naaji oo xilka laga qaaday xilkiisina loo dhiibay Ina Libaax sanka Ka taabte. Ruunkinet 09/02/07

Warar deg deg ah oo aan ka helnay magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in xilka laga qaaday Jeneraal Naaji oo ahaa taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Xil kaqaadidda Jeneraal Naaji ayaa la sheegay in uu ku saleysan yahay joogitaanka mas'uuliyiin ka tirsan maxaakiimta ay joogaan dalka Yeman ayadoo lagu xumeynayo dowladda Yeman.

Warka ayaa intaasi ku daraya in xilkii uu hayay Jeneraal Naaji lagu magacaabay Jeneraal Cabdullahi Cali Cusmaan oo reer London ah laguna naaneysa Ina Libaax Sanka Ka taabte.

Jeneraal Cabdullahi Ina Libaax Sanka ka taaabte oo ka soo jeeda beesha Carab Saalax (Majeerteen) ayaa la sheegay in ay taageerayaasha madaxweynaha kula taliyeen in xilkaasi loo dhiibo Jeneraalkan oo si weyn u aaminsan dowladda Cabdullahi Yuusuf.

Sidoo kale, Jeneraal Naaji ayaa loo magacaabay safiirka Cumaan u fadhiya dowladda Soomaaliya.

C. Cali, Ruunkinet, London

 

ruunkinet@london.com