Mudaaharaad looga soo horjeedo madaxweyne Yuusuf oo ay ka qeyb qaateen qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Ingriiska oo maanta ka dhacay magaalada London. 21/02/07

Mudaaharaad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dad lagu qiyaasay 2 boqol oo ruux ayaa saakay ka dhacay Isbitaalka Cromwel oo ku yaal koofurta magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Cromwel oo ah kan beerka looga bedelay laguna baaro caafimaadka madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa hortiisa waxaa ay dadka mudaaharaadayay ku qeylinayeen, " Kick him out, he is a killer:", "Ha ku daweynina isbitaalkiinna dhiigya cabka Cabdullahi Yuusuf ee iska saara", Ha dhaco Cabdulllahi Yuusuf", "Itoobiya dalkeenna ha ka baxaan", iyo ereyo kale.

Mar aan la xiriinay qaar ka mid ah qaban qaabiyeyaasha mudaaharaadka ayaa Ruunkinet u sheegay in markii hore loo ogolaaday in ay halkaasi yimaadaan 50 ruux oo kali ah maadaama ay tahay goobtaasi Isbitaal ay dad bukaan ah jiifaan balse dadka halkaasi yimid oo si weyn u qiireysan ayaa buux dhaafiyay goobtii yareeyd ee ciidamada booliiska ugu talagaleen 50ka ruux.

Joogitaanka madaweynaha ee magaalada London ayaa ka duwan immaatinkiisi hore ayadoo si weyn ay u ilaalinayaan ammmaankiisa taageerayaashiisa gaar ahaan kuwa ay qaraabada yihiin ayadoo sida la sheegay ay ku adkaatay in ay arkaan ama ogaadaan meesha uu deggan yahay qaar ka tirsan taageerayaasha ay isku beesha ahayn.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com