Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay albaabada u laabaan masaajidda ku yaal magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyihiin Yaashiid oo xalay la dilay. Ruunkinet 22/02/07

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay qorsheyneyso in ay albaabada u laabaan masaajidda ku yaal magaalada Muqdisho.

Wararka ugu dambeeyay ee ka immaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay immaamkii masjidka Isbahaysiga Sheekh Shariif albaabadana loo laabay masjidkaasi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Sheekh Shariif lagu xiray madaxtooyada Villa Soomaaliya si ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa taageersan madaxweynaha ay su'aalo weydiinayaan.

Sidoo kale, muddo maalmo ah ka hor ayaa magaalada Muqdisho lagu xasuuqay dad ka soo baxay salaadda cishaha oo hortaagan masjid ku yaal magaalada Muqdisho ayadoo ay halkaasi ku dhinteen 5 ruux oo ka mid ahaa dadkii masjidka ka soo baxay.

Dowladda madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in ay dhibsatay haweenka sita jalbaabka ayadoo dhowr horay qabab qablayaashii xukumi jiray Xamar ay u afduubi jireen wadaadada ku nool magaalada Muqdisho dalka Itoobiya iyo saldhigyada ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin geeska Afrika.

Dhanka kale, waxaa rag hubeysan ay ku dileen xaafadda Yaashiid guddoomiyihiin xaafaddaasi.

Maleeshiyadan hubeysan oo aan haybtooda la garaney ayaa la sheegay in ku guuleystaan in ay baxsadaan kadib markii ay dileen Xuseen Xasan oo ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Xuseen Xasan ayaa maanta lagu aaday magaalada Muqdisho ayadoo ay aaskiisa ka soo qeyb galeen aaskiisa mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah iyo kuwa gobolka Banaadir.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com