Mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo qabsashada Itoobiya ee dalka Soomaaliya oo shalay ka dhacay London, Ra'isul wasaare Geeddi oo maanta aadaya Baydhabo iyo Sheekh Adan Madoobe oo weli ku sugan magaalada Nayroobi balse aan weli la kulmin dhiggiisa dalka Kenya. Ruunkinet 24/02/07

Mudaharaad ay ka soo qeyb galeen dad ka badan 500 ruux oo isugu jira rag iyo haween ayaa shalay ka dhacay xafiiska ra'isul wasaaraha dowladda Ingriiska ee NO.10 downing Street ee magaalada London.

Dadka mudaaharaadayay ayaa ku qeylinayay doonimeyno gumeysiga dowladda Itoobiya oo ay taageereysa dowladda Mareykanka.
" Ha ka baxaan ciidamada Itoobiya", "Cabdullahi Yuusuf iyo daba dhilifkiisa ha na dhaafaan".

Qaar ka tirsan dadka mudaaharaadayay oo uu ka mid ahaa Cabdisamaan Salwa oo siday boor uu ku sawiran yahay marxuum Sulaad Huure ayaa qoraal geeyay xafiiska ra'isul wasaare Geeddi.

Dhanka kale, wararka ka immanaya magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu aadayo maanta magaalada Baydhabo ee ah xaruunta ku meel gaarka ah ee dowladda federaalka ah.

Prof. Geeddi ayaa ka soo laabtay shir ay ku lahaayeen dalka Fransiiska dowladaha dadkuudu ku hadlaan Af Fransiiska ee qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Sheekh Adan Madoobe oo ay dhawaan u doorteen guddoomiyaha baalamaanka mudanayaasha baalamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa weli jooga magaalada Nayroobi.

Sheekh Adan Madoobe ayaa waxaa la sheegay in ay casutay hay'adda UNDP-da oo xarun ku leh Nayroobi.

Sheekh Adan ayaa la sheegay in uu la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan beesha caalamka ee ku sugan balse uusan weli la kulmin dhigiisa ama mas'uul sare oo ka tirsan dowlada Kenya.


Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com