Madaxweyne Yuusuf oo kala hadlay Meles Sanaawi sidii muddo 3 billood ah loogu soo afjari lahaa xaaladda ka jirta Magaalada Muqdisho iyo mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhaho oo loo sheegay in ay beelahdooda ka dhaadhiciyaan arrimaha dowladda federaalka ah. Ruunkinet 25/02/07

Warar lagu kalsoonyahay oo ka immaanaya magaalada Addis Ababa ayaa ku waramaya in madaxweynaha
dowladda federaalka ah ee Sooomaliya uu kala hadlay ra'isul wasaaraha dowladda Itoobiya Melez Sanawi sidii
lo soo afjari lahaa muddo 3 billood ah xaaladda ka jirta magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf oo haatan ku sugan magaalada Addis Abbaba si uu uga qeyb qalo shirka dowladaha ku hoboobay
Sanca Forum oo ka furmaya halkaasi maalinta berito oo Isniin ah.

Dowladahan oo ka kooban Itoobiya,Yeman, Suudaan iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimaha Soomaaliya iyo Dafuur
Daafur oo ah goobo dagaallo sokeeye ka jiraan kana mid ah dalka Suudaan.

Warka ayaa intaasi ku daraya in madaxweyne Yuusuf uu kala hadlay ra'isul wasaaraha Itoobiya sidii ay dowladda Itoobiya u keeni
lahayd ciidamo dheeraad ah magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu si gaar ah uga codsaday Meles Sanaawi in ciidamada Itoobiya ay howl dheeraad ah ka qabtaan
magaalada Muqdisho gaar ahaan sidii ay hubka uga dhigi lahaayeen maleeshiyada hubeysan iyo sidii haweenka xijaaban looga dhigi lahaa
jallaabiibka ay sitaan iyo weliba sidii looga joojin lahaa in ay ka khudbeeyaan masaajiddada wadaadada loo arko in ay xag jiraa.


Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in loo sheegay xildhibaannada ku sugan magaaladaasi in ay aadi doonaan
degmooyinka ay degan yihiin beelahdooda si ay uga dhaadhiciyaan barnaamijada dowladda.

Warka ayaa intaasi ku daraya in dhamaadka bishan la xeri doono fadhiga baarlamaanka ayadoo ay geli doonaan xildhibaannada 2 billod
oo fasax ah.

Labadaasi billood ayaa lagu wargeliyay xildhibaannada in ay tagaan degmooyinka iyo gobollada dalka oo ay degan yihiin beelahooda.

Aaditaanka degmooyinka iyo gobollada dalka ayaa waxaa si weyn u diiday qaar ka tirsan xildhibaanada baalamaanka una badan xildhibaannada
ka soo jeedo Somaliland oo aan tegi kari degmooyinka ay ka soo jeedaan.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com