Madaafiic lagu tuuray dekedda Xamar oo wax leello geystay iyo maleeshiyaad hubeysan oo isku rasaaseeyay Marka. Ruunkinet 02/03/07

Madaafiic lagu sheegay hubiyeyaal ayaa maanta lagu tuuray dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan ayaa la sheegay in ugu yaraan uu ku dhintay hal ruux 7 kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii madaafiicdaasi ay ku dheceen goob ay joogeen dad rayid ah.

Weli dhinaca dowladda war cad kama soo bixin oo ku saabsan arrintan.

Dhanka kale, wararka ka immaanaya magaalada Marka ayaa ku waramaya in ay is isku rasaaseeyeen laba maleeshiyo oo hubeysan degmadaasi.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu billowday kadib markii ciidamada ammaanka Marka ay isku dayeen in ay qori ka dhigaan nin dhalin yaro ah oo dhex marayay bartamaha magaalada Marka.

Maleeshiya ay isku hayb yihiin ninkaasi ayaa la sheegay in ay u soo hiiliyeen kadib markii u diiday in uu qoriga dhiga halkaasoo ay rasaas isweydaarsadeen labada dhinac.

Ilaa hadda wax ku dhintay israsaaseyntaasi lama sheegin balse dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa hadal haya dhacdadaasi oo laga yaabo in ay mar kale soo noqoto.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com