Kulanka dib u heshiisiinta ay waddo dowladda federaalka ah oo lagu wado in laykugu keeno dad ay ka mid yihiin Ahlu Sunna wal Jamaca oo taageersan siyaasadda madaxweyneha iyo ra'isul wasaare Geeddi iyo dilal kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Ruunkinet 05/03/07

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay hoggaamiyaan madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha ayaa wadda in ay ku qabtaan kulan dib u heshiisiin ah oo ay isugu immaanayaan dad tiradoodu lagu sheegay 3 kun.

Kulankan oo laga soo xulayo gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb geli doonaan dhammaan dad taageersan siyaasadda madaxweyne Yuusuf iyo ra'isul wasaare Geeddi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in culimada kulankaasi ka qeyb geli doonta ay ka mid noqon doonaan wadaaddo caan ah oo ka socota Suufiyiinta lagu magacaabo Ahlu Sunna wal Jamaaca ee Digrisa.

Dhanka kale, waxaa magaalada Muqdisho maanta lagu dilay dad ka badan 6 ruux ayadoo lagu dhaawacay qaar kale.

Dadka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka mid yahay sarkaal ka sare oo ka tirsaan ciidamada Booliiska oo darajasiisu lagu sheegay korneyl.

Sidoo kale,waxaa la dilay dad culimo ah oo laga yaqaan magaalada Muqdisho.

Cabullahi Xusee, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com