Ra'isul wasaare Geeddi oo la filayo in uu aado Kuwait si uu u raadiyo dhaqaale ay dowladda federaalka ah dooneysa in ay Kuwait ka hesho, qaar ka tirsan ciidamada Yugaanda oo maanta soo gaaray Xamar iyo mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo oo ka doodaya qodob la xiriira argagixisada oo qaar ka tirsan mudanayaasha baalamaanka ku doonayaan in ganacsatada qaardood lagala wareego hantidooda. Ruunkinet 06/03/07

Wararka ka immaanaya magaalada Baydhabo ayaa ku waramaya in ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu dhawaan u ambabixi doono dalka Kuwait.

Prof. Geeddi ayaa la sheegay in safarkiisa la xiriiro sidii uu dhaqaale u weydiin lahaa dowladda Kuwait oo uu dhawaan booqasho ku tagay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha oo haatan ku sugan Dubai ayaa la sheegay in uu ka walaacsan yahay meesha ay ku dambeyn doonto dhaqaale uu ra'isul wasaare Geeddi ka soo qaado dalka Kuwait ayadoo ay horey isugu dheceen madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha halka ay ka dhacday kaalmo dhaqaale oo horay loo siiyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Prof. Geeddi ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo dalka Sacuudi Caraabiya oo uu horay ugu eedeeyay in ay taageeraan maxaakiimta iyo argagixisada ku sugan Soomaaliya.

Dhanka kale, qaar ka tirsan ciidamada Yugaanda ayaa maanta ka soo degan garoonka dayuuradaha magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay hor dhac u yihin ciidamada kale oo ay leedahay Yugaanda oo dalka ku soo fool leh kana tirsan ciidamo Afrikaan ah oo loogu tala galay in la keeno Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maanta ka doodaya mudanayaasha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo qodob ku saabsan la dagaalanka argagixisada.

Qodobka ayaa la sheegay in ay qaar ka tirsan golaha baarlamaanka ay ku doonayaan in lala wareego hantida qaar ka tirsan ganacsatada Soomaalida oo ay horay u calaameysteen.

Doodan oo aad u kulul ayaa la sheegay in ay isku mari la'yihiin mudanayaasha baarlamaanka in kastoo loo badan doono sida uu doonayo madaxweynaha.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com