Ciidamada Uganda oo labo laga dhaawacay ayaguna xasuuqay dad rayhid ah iyo mid ka mid ah maxaabiistii ka fakatay toogashada oo Puntland loo qaadayo. Ruunkinet 08/03/07

Weerar gaadma ah oo xalay lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaanyeen ciidamada Uganda oo marayay KM4 ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 2 ruux sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Midowa Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Ciidamdan oo marayay goob ay dad rayid ah ku badan yihiin ayaa ayaguna rasaas aan loo meel dayin ku rusheeyay dad goobtaasi marayay.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan ay ku dhinteen 3 ruux halka ay ku dhaawacmeen 25 kale sida laga soo wariyay Isbitaallada ku yaal magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegin dhibaatada soo gaarta marka ay weeraraan dad hubeysan oo weerar joogta ah ku qaada goobaya ay ku sugan yihiin iyo gawaaridooda maraya wadooyinka magaalada Muqdisho marka laga reeboo 500 askari oo ku geeriyooyay dagaalkii ay la galeen maxkamadihii laga awoodda roonaaday sida uu horay u sheegay madaxweynaha dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, mid ka mid ah maxaabiistii dhawaan ka baxsatay toogasho lagu fulin lahaa ayaa la sheegay in ay ciidamado ah reer Puntland oo ku sugan madaxtooyada ay kala bexeen Isbitaalka Keysaney.

Warka ayaa intaasi ku daraya in askarigan oo horay u dilay askari kale lagu xukumay toogasho in kastoo horey wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga u sheegay in gacanta lagu dhigay asagoo dhaawac ah.

Maxbuuskan ayaa la sheegay in ay qaraabo yihiin madaxweynaha ayadoo labada kale ee ka baxsaday toogashada heybtooda lagu sheegay in Raxan weyn ah iyo Baciid yahan.

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in maxbuuska lagala baxay Isbitaaka Keysaney la geyn doono Puntland si loogu daweeyo halkaasi laguna dhameeyo arrintiisa xaal mastuur beeleed.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com