Maqaawimo ka jirta gobolka Jubbada Hoose oo la wareergtay gacan ku haynta Badhaadhe iyo jidka u dhexeeya Afmadow iyo Kismaayo oo la xiray. Ruunkinet 14/03/07

Maqaawiyo la sheegay in ay gacan ka helayaan maxaakiimtii laga adkaaday iyo shacabka ku nool degaanka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Badhaadhe.

Maqaawimadan ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen degmadaasi kadib markii la ogaaday in ay ka tageen ciidamada Itoobiya gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale, Jidka u dhexeeya Kimaayo iyo Afmadow ayaa la sheegay in uu xiran yahay kadib markii ay maleeshiya beeleed hubeysan gooyeen wadadaasi.

Xaaladda Kismaayo ayaa aad u kacsan sida ay sheegayaan dad goob jooga Kismaayo ayadoo ciidamada laga ka keenay Puntland la geliyay keegan xoogan si ay u difaacaan Kismaayo haddii la soo weeraro.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, Londoon

 

 

 

ruunkinet@london.com