Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo weerartay guriga Dr. Culusow iyo maqaawimada Xamar oo duqeysay goobo ay deggen yihiin ciidamada dowladda kuwa Afrikaanka ah. Ruunkinet 20/03/07

Ciidamada sita tuutaha militariga ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday guriga uu degan yahay Dr. M.M Culusow oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo watay gawaari tiknika ah ayaa la sheegay in ay ku guul dareysteen in ay dilaan ama qabtaan Dr. Culusow oo gurigiisa ka maqnaa xilligaasi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ay ku dhaawacmeen rasaas ay isweydarsanayeen ilaalada guriga Dr. Culusow iyo ciidamada dowladda federaalka ah rad rayid ah iyo qaar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad guriga ku sugnaa.

Dhanka kale, madaafiic xalay lagu tuuray dekedda, madaxtooyada, xarunta nabadsugida iyo goobo kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Afrikaanka ah ayaa la sheegay in wax yeello aan la shaacin soo gaareen goobiyii lagu tuuray madaafiidaasi.

Sidoo kale, Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa jawaab celin ugu tuuray madaafiic goobo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicsaasi oo aan loo meel deyin ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa guryahooda.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com