Guddiga guurtada ee beelaha hawiye oo soo dhaweeyay wadaxaajoodka ay dowladda ugu baaqday iyo Xamar oo looga qaxay si ka daran tii 1991. Ruunkinet 26/03/07

Guddiga guurtada Hawiye ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Afhayeenka guddiga guurtada Hawiye ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo baaqa ay dowladda federaaka ah ugu baaqday in ay wada hadal la galaan gudigan sida weyn u diidan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Puntland ee ka taliya magaalada Muqdisho iyo guud ahaan kuunforta Soomaaliya.

Wasiirka arrmaha gudaha dowladda federaalka ah ayaa sheegay in ay haatan daneynayaa in ay si dhab ah uuada hadlaan dowladda iyo guddiga beesha Hawiye ayadoo ay guddigan ka codsadeen xildhibaannada Hawiye ugu jira dowladda federaalka ah in ay la xisaabtamaan.

Dhinaca kale, qax kii ugu weynaa ee abid soo mara magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu ka dhacay Xamar.

Dad badan oo rayid ah una badan dumar iyo haween ayaa ka qaxaya magaalada Muqdisho ayagoo kala aadaya gobollada dalka.

Kirada gurhaya ku yaal magaalada Afgooye ayaa si weyn u sara kacay kagadaal markii ay ku soo qexaan magaaladaasi dad aad u fara badan.

Qaxa dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeya madaafiicda ay ciidamdaa dowladda ku tuurayaan xaafadaha Xamar ayadoo ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladdana ay ku baaqayaan in xaafada qaarkood laga baxo si loo duqeeyo.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com