Qarax ka dhacay xalay saldhiga Booliska Beledweyne oo ay dadka reer Beledweynwe ku eedeynayaan maamulka Cabdullahi Yuusuf u magacaabay gobolka Hiiraan. Ruunkinet 27/03/07

Waxaa saldhigga booliiska magaalada Beledweyne xalay lagu tuuray bam gacmeen gilgilay dhismaha saldhigga. degamada.

Arritan ayaa waxaa si weyn loogu eedeynayaa maamulka gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Beledweyne in ay ka dambeeyeen dhacdadan.

Goob jooge yaal aan la xiriirnay oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in maamulka uu madaxweyne Cabdullahi Yuusuf u magacaabay Beledweyne ay doonayaan in ciidamada Itoobiya lagu soo celiyo degaankaasi iyo ayagoo doonaya in dhaqaale lagu siiyo dhacdadaasi.

Maamulka Beledweyne a\yaa si weyn u buun buuninaya dhacdaasi ayagoo ku andacoonaya in ay maleeshiya taageersan maxaakiimta Islaamiga ay ka dambeeyeen falkaasi.

Sidoo kale, maamulka Beledweyne ayaa dhawaanahan ku soo rogay bandow magaalada Beledweyne kadib markii lagu daadiyay qoraallo looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com