Maqaawada Muqdisho oo doonaya in ay dhawaan la wareegaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo dayaarad ay Itoobiya leedahay oo lagu soo riday Xamar maanta. Ruunkinet 30/03/07

Maleeshada iska caabinta ciidamada ku soo duulay Soomaaliya ayaa la sheegay in ay doonayaa ay gacanta ku dhigaan madaxtooyada Villa Soomaaliya oo uu ku sugan yahay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo ciidamada ilaalinaya goobtaasi.

Dagaaal qaraar oo maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho ayaa si xowli ah ugu fiday goobo cusub oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka yimid Puntland ayaa la sheegay in ay si weyn uga qeyb qaadanayaan dagaalkaasi si ay u soo afjaraan dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada hubeysan ee diidan in ay Itoobiya ku soo duusho Soomaaliya.

Mid ka mid ah dayuuradaha qumaatiga u kaca oo ay leedahay dowladda Itoobiya ayaa maanta dhulka la soo dhigay kadib markii lala helay gantaal laga riday dhulka.

Dagaalka ka socda Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga qeyb qaadanaya taangiyada Itoobiya iyo dayuuradaha qumaatiga u kaca.

Maleeshiyada muqaawimada ayaa ku sii durkaya madaxtooyada Villa Soomaaliya ayadoo la sheegay in uu dagaalka ka socda meelo kale oo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com