Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa garoonka Stadiyo Muqdisho oo is dhiibay iyo kuwii ku jiray saldhigga Wardhiigley oo ka baxsaday iyo madaxweyne Yuusuf oo la sheegay in uu ku sugan yahay xerada Balli doogle. Ruunkinet 30/03/07

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa garoonka kubadda cagta ee Stadiyo Muqdisho ayaa isu dhiibay maleeshiyadii ka soo horjeeday ee la magacbaxay muqaawimada.

Goobjooge halkaasi ku sugnaa ayaa la arkayay in ka badan 20 askari oo goyahooda saartay madax korkiisa oo isu dhiibaya maleeshiyada la dagaalameysay.

Ciidamada Itoobiya ayaa laba maalmood ku sugnaa garoonkaasi ayagoo madaafiic la dhacayay xaafado ka tirsan Xamar.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa laga saaray saldhigga booliiska ee degmada Wardhiigley.

Ciidamadan ayaa isaga baxay kadib markii ay u adkeysan waayeen culeys kaga yimid dhinaca Muqaawimada ee dagaalka kaga soo horjeedda.

Dhinaca kale, warar aan ka helnay degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay xerada ciidanka Balli doogle.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in laga soo waday Xamar kadib markii uu dagaalka soo gaaray madaxtooyada Villa Soomaaliya iyo guriga dadka Xamar ku nool ugu yeeraan Habar Khadiija ee ahaa saldhigga saliska nabad sugidda ee magaalada Muqdisho ee la sheegay in uu madaxweynaha u badnaa.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com