Hogaamiye kooxeedyada baarlamaanka ugu yira beelaha Hawiye oo shalay ka diiday Cabdullahi Yuusuf in ay saxiixaan qoraal xasaasi ay oo uu u diyaariyay iyo Maleeshiyada Puntland ee ku sugan dhinaca quqooyiga Muqdisho oo shalay ku garaacay madaafiic xaafadda Arganyiin iyo goobo kale. Ruunkinet 02/04/07

Hoggaamiye looxeedyada beelaha Hawiye ugu jira golaha baalamaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diiday shaly qoraal uu soo diyaariyay madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.

Kulan uu shalay kula yeeshay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay xildhibaanadan saxiixaan qoraal dheer oo ka hadlaya in ay argagixiso joogto magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku qorneyd in waxa la dagaalaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay yihiin argagixso isla markaana ay beelaha Hawiye taageersan yihiin dowladda federaalk ah.

Dhanka kale, ciidamada Puntland laga keenay ee ku sugan wuqooyiga magaalada Muqdisho ayaa shalay madaafiic ku garaacay xaafadda Argantiin.

Madaafiicda ay ku tuurayeen shacabka halkaasi ku nool ayaa la sheegay in uu wax yeello u geystay dad rayid ah oo halkaasi ku sugnaa.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com