Xasan Qalaad oo la dhaawacay, Jendai Frazier oo magacawday xubno ay sheegtay in ay ka mid yihiin argagixiso iyo madaxeweyne Cabdullahi Yuusuf oo la sheegay in uu aad uga xun yahay xabad joojinta dhex martay ciidamada Itoobiya iyo beelaha Hawiye. Ruunkinet 07/04/07

Waxaa galabta lagu dhaawacay xaafadda Xamar Jajab Xasan Qalaad oo aha ku xigeenga maaliyadda ee duqa magaalada Muqdisho.

Warka ayaa intaasi ku daraya in rasaas lagu furay gaari uu saarnaa Xasan Qalaad oo marayay xaafaddaasi.

Xaafaddaasi oo ay ammaankeedu gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaan weli la sheegin cidda ka dambeysay dhaawaca Xasan Qalaad oo haatan lagu daweynaya cisbitaalka Banaadir.

Dhanka kale, kaaliyaha xoghaya arrimaha dibadda ee arrimaha Afrika Jandai Frazier ayaa maanta tagtay Baydhabo kadibna shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nayroobi.

Ms Frazier ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay gacan siinayso dowladda federaalka ah Soomaaliya ayadoo warkeeda ku dartay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay ku yimaadeen dalabka dowladda Cabdullahi Yuusuf.

Mar wax laga weydiiyay xasuuqa dowladda Itoobiya ay ka waddo dalkeeda ayay ku jawaabtay arrintaasi looma baahna in kor loo qaado balse annaga iyo Itoobiya ayaa hoos hoos uga hadleyna.

Jandai Frazier ayaa sidoo kale sheegtay in Xasan Turki, Xasan Daahir Awees iyo Cayrow ay yihiin argagixiso caalami ah oo ku sugan Soomaaliya in kastoo dad badan ay u arkeen in arrintaasi ay dowladda Mareykanka ay ka dhaadhiciyeen dad ka soo horjeeda maxaakiimtii laga xoogga roonaaday.

Dhanka kale, warar ku dhow dhow madaxweynaha ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu aad uga xummaaday xabad joojinta dhex martay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu doonayay in si weyn dagaal culus loogu qaado goobaha uu ku tuhmaya in ay joogaan maleeshiyada la dagaalameysa ciidamadiisa iyo kuwa dowladda Itoobiya ee diidan qabsashada Itoobiya ay qabsatay Soomaaliya asagoo aan weli ka hadlin dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalkii Xamar ka dhacay iyo dadkii ka barakacay guryahooda.

Cabdudllahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com