Dhufeysyo waaweyn oo ay wadooyiinka xaafadada Xamar ka qodanayaan maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamada dowladda Itoobiya oo isku ballaarinaya goobo cusub. Ruunkinet 10/04/07

Maleeshiyaadka la magacbaxay maqaawimada wax iska caabinta ayaa la sheegay in ay dhufeysyo waaweyn wadooyinka xaafadaha magaalada Muqdisho.

Dhufeysyadan ayaa la sheegay in ay ugu talagaleeen in ay isaga difaacaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maleeshiyadan oo la sheegay in ay haystaan hubka lagula dagaallamo taangiyada ciidamada Itoobiya ayaa warar lagu kasoon yahay sheegayaan in uu hubkaasi dhawaan soo gaaray maleeshiyadan.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay isku ballaarinayaan dhinaca xaafadda Madiina iyo KM4 ayagoo doonaya in ay Xamar ka xiraan dhinacyada laga soo galo.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa intooda badani ka bara keceen guryahooda ayaa la sheegay in ay filayaan dagaal dhawaan dhex mara ciidamda Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalk ah ee Soomaaliya.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

 

ruunkinet@london.com