Wasiirro uu ka mid yahay Buubaa oo xilkooda laga qaaday iyo dagaalkii xalay oo dhibaato weyn ka soo gaartay ciidamada Itoobiya iyo dad rayid ah. Ruunkinet 18/04/07

Wasiiro uu ka mid hayay Ismaaciil Buubaa ayaa laga qaaday xilalkii ay u magacawnaayeen ayadoo qaar kalana laga eryay wasiirnimada.

Wasiirkii arrmaha dibadda mudane Ismaaciil Buubaa oo ahaa shaqsiga sida weyn u sheegi jiray in ay Soomaaliya AlQaadida joogta ayaa laga qaaday xilka wasiirka arrimaha dibadda ayadoo loo magacaabay wasiirka wax barashada.

Sidoo kale, Xildhibaan Waare ayaa laga eryay wasiirnimadii uu u hayay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya asagoo lagu eedeeyay xilkasnimo la'aan.

Xildhibaan Ceelaabe Faahiye ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ayadoo qaar kalane loo magacaabay xilal cusub.

Dhanka kale, dagaalkii xalay ka dhacay goobo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in wax yeello weyn loogu geystay ciidamada Itoobiya ee ku suu duulay Soomaaliya.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa agagaarka hotel Foloreensa dib loogu celiyay dhinaca madaxtooyada kadib markii laga xoog roonaaday.

Sidoo kale, dad rayid ah ayaa ku geeriyooday qaarna ku dhaawacmeen madaafiicda aan loo meel dayin ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay ka soo ridayaan madaxtooyada iyo meelo kale.

Dagaalkii xalay ayaa saakay iskiis u qaboobay ayadoo la filayo in uu markale qarxo dhawaan.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com