Dagaal cusub oo ka billowday degaanka Ex Koontaroolka Balcad iyo goobihii ay isku hor fadhiyeen ciidamada Itoobiya iyo xoogaga ka soo horjeeda. Ruunkinet 26/04/07

Dagaal cusub ayaa maanta ka billowday Ex koontaroolkii Balcad ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay kagadaal markii ay ciidamo Itoobiyaan ah soo galeen goobtaasi si ay dhabar jebin ugu sameeyaan xoogagga ka soo horjeeda.

Ciidamada ka soo horjeeda Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda federaalka ah ayaa si weyn isaga caabiyay weerarka ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale, dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga kale ayaa saakay dib uga billowday goobiyii ah isku hor fadhiyeen.

Dagaalka maanta ka dhacaya ayaa la sheegay in ay ku naf waayeen dad badan oo rayid ah ayadoo ay weli dadka rayid ah ka qaxayaan magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com