Qarax lala beegsaday ciidamada Uganda ee ku sugan Muqdisho oo ay ku dhinteen 4 askari. Ruunkinet 16/05/07

Miino la sheegay in lagu kootaroolayay remode control ayaa saakay lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Uganda oo marayay magaalada xaafada ka tirsan magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ugaanda oo saarnaa gawaari ayaa la sheegay in ay marayeen wadada ku taal xaafadda Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa xaqiijiyay in ay kaga dhinteen qaraxaasi 4 askari 5 kalane ay ka dhaawacmeen.

Waa markii ugu horeysay oo tiro sidaasi u badan ay ciidamda Uganda kaga dhinteen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa mudooyinkan dambe si gaar ah loo ugaarsanayay ayadoo qaarna lagu dilay miino loo dhigay qaar kalane toogasho lagu dilay.

Dhinaca kale, rag sita tuutaha ciidamada dowladda ayaa ka wada dhac iyo boob qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay suuqa bakaaraha.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com