Guddoomiyaha baarlamaanka oo Baydhabo ku soo laabtay maanta iyo golaha baarlamaanka oo diyaarinaya in ay motion dhex keenaan shirka baarlmaanka. Ruunkinet 02/06/07

Waxaa maanta ku soo laabtay magaalada Baydhabo guddoomiyaha golaha baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaan Sheekh Adan Madoobe ayaa ka soo laabtay kulammo uu kula yeesha madaxda sare ee dowladaha Itoobiya iyo Suudaan dalalkooda.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in dhawaan qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ay keenaan motion ay ku dalbanayaan in baarlamaanka ka xuroobo awoodda madaxweynaha iyo ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda golaha baarlamaanka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa lagu tilmaamay mid aan lahayn wax awood ah oo ay ku meel marin karaan arrin aysan wadan ra'isul wasaaraha iyo madaxweynaha.

Motionka cusub oo ay isku raaceen qaar badan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ayaan la hubin sida uu u dhaqan geli doono ayadoo inta badan mudanyaasha baarlamaanka laga deeyrinaya xaaladdooda dhaqaale.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

 

ruunkinet@london.com