Ex Madaweyne Cabdulqaasim Salaad oo ay gurigiisa bililiqeysteen qaar ka tirsan ciidadama Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ruunkinet 09/06/07 (Click)

Waxaa maanta si aan naxariis lahayn u bililiqeystay guriga madaxweynihii Carta ciidamada Itoobiya.

Ciidanka Itoobiyaanka ay oo sida la sheegay uu la socday nin sheegay in uu yahay Jeneraal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaliya ayaa la sheegay in ay albaaka hore ee guriyada Cabdiqaasim Salaad si xoog ah ku soo jebiyeen ayagoo dhafoorka ka saaray qoryo maleeshiyadii ilaalineysay gurigaasi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay ka qaateen hubkii lagu illaalinaayay gurigaasi iyo wax yaabo kale oo aan la shaacin ayadoo ay dad kale sheegayaan in laga qaatay gawaari tiilay guriga ex madaxweyne Cabdiqaasim Salaad.

Ciidamada Itoobiya ee soo galay guriga Cabdiqaasim Salaad ayaa sidoo kale la sheegay in ay aflagaaddo u geysteen ex madaxweyne Salaad oo markaasi ku sugnaa gurigiisa.

Muddooyinkan damabe ayaa si gaar ah loo raadsanayay mas'uliyiin ka tirsan qaar ka mid ah beelaha USC-da ee ay dowladda u aragto in ay mucaarad yihiin.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com