Qaar ka tirsan ciidamada dowladda ee sugan magaalada Beledwene oo isku dagaalay maanta isbaaro u tiil Buundo Liiqliiqato. Ruunkinet 11/046/07

Qaar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa dagaal ku dhex maray halka lagu magacaabo Buundo Liiqliiqato oo ku taal bartamaha magaalada Beledweyne.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka billowday lacago laga qaado isbaaro u taal ciidamada dowladda Buudada Liiqliiqato ee magaalada Beledweyne.


Warka ayaa intaasi ku daraya in uu dagaalkaasi ku dhintay wiil dhalinyara ah oo marayaya goob aan ka fogeyn isbaarada ay ku dirirayeen ciidamada dowladda.

Dhinaca kale, ra'isul wasaare Geeddi ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Beledweyne.

Cabdulllahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

ruunkinet@london.com