Ciidamada Itoobiya oo bililiqeystay guriga xildhibaan Cismaan Caato iyo qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee magaalaada Muqdisho. Ruunkinet 15/06/07

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay maanta bililiqeysteen guriga xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato.

Cismaan Caato oo ka mid ah xildhibaanada inta badan joooga magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamda Itoobiya ay galeen gurigiisa ayna ka qaateen lacago aad u badan oo isugu jira doolar iyo dinaar.

Xildhibaan Caato ayaa warkisa ku daray in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay gurigiisa ay ka qaateen dahab iyo wax yaabaka kale oo qaali ah.

Dhinaca kale, qaraxyo ayaa maanta duhurnimadii ka dhacay inta u dhexeysa garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee ay dowladda federaalka ah ugu magacawday garoonka Adan Cabdulle Cisaan iyo KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaraan 4 ruux ayadoo ay ku dhaawacmeen qaar kale.

Ciidamda dowladda federaaka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ayaa wada hub uruurin ballaaran ayagoo guryaha ka baaraya hubka.

Dowladda federaalka ah ayaa sheegtay in ay hub badan ka qaadeen guryo iyo goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Muqdisho.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

 

ruunkinet@london.com