Ciidamada Itoobiya oo 45% ka billowday in ay ka qaataan canshuuta magaalada Beledweyne, ciidamada Itoobiya oo baaray gurhaya Muuse Suudi iyo Cabdi Waal iyo Maxamed Dheere oo Gaaray dalka Turkiga. Ruunkinet 21/06/07

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in lagula heshiiyay in canshuurta laga qaado magaalada Beledweyne ay qaataan 45%.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in loo qoondeeyay in la siiyo 30 neef oo ari ah usbuuciiba ayadoo qasnajiga ugu sareeya ee guddiga loo xilsaaray canshuurta loo magacaabay sarkaal Itoobiyaan ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kagadaal markii uu dhawaan ku tagay booqasho magaalada Beledweyne ra'isul wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Dhowr dheej oo hore ayaa lacago canshuur ah oo la soo uruuriyay waxaa bililiqeystay ciidamada dowladda iyo maamulka loo magacaabay magaalada Beledweyne.

Sidoo kale, Ciidamada Itoobiya ayaa baaray guryaha xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow iyo Cabdi Waal oo si weyn u taageersan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay hub ka qaateen guriga xaaji Muuse Suudi.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu tagay dalka Turkiga.

Booqashada Maxamed Dheere ayaan la ogeyn waxa ay ku saabsan tahay ayadoo warar dheeraad ah aan laga sheegin.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com