Sheekh Adan Xasan Muuse oo lagu dilay magaalada Muqdisho maanta. Ruunkinet 25/06/07

Waxaa maanta lagu toogtay wadaad lagu macaabo Sheekh Adan Xasan Muuse oo tafsiir ka akhrin jiray masaajid ku yaal magaalada Muqdisho.

Sheekhan oo ka soo jeeda degmada Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ay la sheegay in ay ku dilay rag hubeysan masjid uu ka akhriyo tafsiirka quraanka hortiisa.

Mar aan la xiriirnay degmada Buq Aqable ayaa naloo sheegay in aanay wax dhibaata ah ka dhicin degmadaasi sida ay qoreen qaar ka tirsan warbaahinta shabakadaha Soomaalida.

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

 

 

ruunkinet@london.com